(DAAWO SAWIRADDA) Dab Khasaara Hanti Geystay oo ka kacay Warshadda Isbuunyada Mubaarak

47

Waxaa Habeennimadii xalay Dab Khasaara Hanti geystay uu ka kacay Xarunta Warshada Isbuunyada Mubaarak ee Degmada Yaaqshiid ee Magaaladda Muqdisho.

Wararka ka imaanaya dhanka Maamulka Warshadda ayaa sheegaya in Gabi ahaan Hantidii ku jirtay Baqaarka ay gubteen iyadoona wax laga badbaadin.

Dabka ayaa waxa uu kacay Saqdii dhexe iyadoona la waayay Gawaarida gargaarka Debdamiska, mana jiro wax Faahfaahin ah oo ay Maamulka ka bixiyeen Sababtii ka dambeysay Gubashadda.

Mid kamid ah Masuuliyiinta Warshada ayaa Warbaahinta u sheegay in Gubashada Warshadda aysan garankarin Maamulka Sababtii ka dambeysay, balse waxa uu sheegay inay wadaan Baaritaano ay ku xaqiijinayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Agabkii gubtay ayaa waxa ay u badnaayeen Joodariyaal,fadhi carbeedyo iyo Keyd isbuunyo ah oo laga sameynaye joodariyaasha iyo fadhiyada Hase yeeshee waxaa halkaasi ku basay Gabi ahaanba wixii hanta ah ee tiilay Warshadda.

 DAAWO SAWIRADDA:-

7

5

6

4

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.