Amarkii socdaalka ee madaxweyne Trump oo mar kale la horjoogsaday

243

Muqdisho (INO) Mar kale ayaa la hor istaagay amar uu dhowaan soo saaray madaxweynaha Marekanka,kaaso diidayay lix waddan oo muslim ah dadka ka soo jeeda inay soo gaalaan Marekanka,wixii maanta ka dambeeya.

Xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka Hawaii, ayaa amarka si kumeel-gaar ah u joojiyay,waxaana qorshuhu ahaa amarka madaxweynaha inuu maanta hirgal noqdo,balse ma noqon doono maaddama si kumeel-gaar ah loo hor istaagay.

Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa 7-da aroornimo saacadda geeska Afrika, ayaa waxaa dacwado ka dhan ah laga furay 7 gobol oo kala ah Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii.

Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga.

Amarka ayaa dhigaya in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin muwaadhiniinta dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga.

Garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ku sugan Minnesota oo la hadlayay idaacadda VOA-da wuxuu sheegay xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka Hawaii go’aanka ka soo baxay inuu fursad u siinayo dadka soo gali lahaa Marekanka inay yimaadan.

“Inta uu soo baxayo amar kale oo go’aanka xaakimka ka hor imaanaya,dadka way imaan karaan,”ayuu yiri Garyaqaan Cabdinaasir .

Madaxweynaha Marekanka ayaa loo arka inuu mar kale cadaadis la kulmayo,maaddama la hor istaagay go’aanka uu ku joojiyay qaxootiga iyo dadka ka imaanaya lix waddan oo Muslim ah.

Trump oo amarkii hore dhowaan dib ugu laabtay,wuxuu ka saaray waddanka Ciraaq oo toddobo ku ahaa waddamada laga mamnuucay Marekanka.

You might also like More from author

Comments are closed.