Ninkii Sunta u soo diray Madaxweeyne Barack Obama oo gurigiisa loogu dhacay lana soo qabtay (Daawo Muuqaal )

51

Ciidamada FBI-da Mareeykanka ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu magacaabo Paul Kevin Curtis oo lagu eedeeyay in uu Warqado Sumeeysan Poosto ugu soo diray Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama iyo Masuul lagu magaaco Roger Wicker oo ka tirsan xisbiga Republican-ka.

Ninkaan dilaaga ah ayaa loogu dhacay gurigiisa oo ku yaalay magaalada Mississippi ee dalka Mareeykanka. Ma ahan markii ugu horeeysay ee Warqado Sumeeysan Poosto loogu soo diro Siyaasiin ka tirsan dalka Mareeykanka balse sanadkii 2001-dii ayaa Waraaqo Sumeeysan waxaa loo soo diray Siyaasiin Mareeykan ah waxaana xiligaas ku geeriyootay 5 ka tirsan masuuliyiintii la sumeeyay .
Xiligaas waxaa is qaarajiyay oo nafta iska jaray Ninkii Warqadahaas sumeeysan soo diray ka dib markii aqalkiisa ama gurigiisa lagu weeraray isaga oo markii hore is ticmaalay Poosto iyo Adareesyo ay lahaayeen dad kale .
Halkaan Ka Daawo
[vsw id=”-BKTfjDG1cM” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.