Sawiro: Naadiga NBB Ee Baydhabo Oo Biyo Dhaamin Ka Sameeeyey 124 Tuulo iyo 5 Goobood Oo Ku Yaallo Baydhabo

150

Baydhabo(INO)- Naadiga NBB Ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay biyo dhaamin ka wadeen labdii bileed ee la soo dhaafiy waxayna gurmud biyo dhaamin ah ay  geeyeen Kaamam iyo tuulooyin badan oo hoostaga Degmada Baydhabo.

Warbixin Ay soo saareen Gudiga gurmadka 01/03/2017  ayaa lagu sheegey in Ay Qiibiyeen 1375  Booyadood oo biyo ah isla markaana waxay biyo dhaamin u sameeyeen 124 tuulo iyo 5 Goobood oo ku yaalla Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Sidoo kale Intaa waxaa dheer in kaamam qaarkood loo qeybiyey maacuun iyo dhar ay iska soo aruuriyeen dumarka  Magaalada Baydhabo

Dr. Dr Aweys Abdi Jidle oo gudoomiyaha NBB ayaa sheegey in bulshada Badan ay qiib qaataan Samafalka isla markaana  mar weliba ay ku tabaruceen $50 oo waxaana mar  kale muxsiinta  ugu baaqay in la sii wado ka qiib qaadashada . Waxaana horey loo dhahay “ Hal galgalatay iyo harka labadiisa gelin ayaa adduunyada lagu metelaa”

“Ninkii maanta nool beri ma noola ee walaalayaal aakhiradiina wax u hormarsada dadkiinanna badbaadsada. Beer waa la abuuri karaa laakiin dad lama abuuri karo, Durba ma hilmaanay nabaradii naga soo gaaray “City of Death”,  Koley aniga bar madow ayay qalbigeyga ku noqotay” ayuu yiri  Dr Aweys Abdi Jidle

“Waxaan halkan mahad uga celinayaa Allahii na abuurtay, misna naga dhigay Muslimiin haddana na waafajiyey inaan u istaagno inaan dadkeena samata bixino, Waxaan kaloo u mahad celinayaa cid walba oo maal iyo xoogba uga qeyb qaadatay barnaamikan Gurmadka Biyo Dhaaminta ee Naadiga Baayazaaniyiinta Baydhabo (NBB)”  ayuu mar kale yiri Dr Aweys Abdi Jidle

Maamulka NBB waxaa ay dhexda u xirteen in dadka u dhashay KGS ee abaaruhu saameyeen in adeegga biyaha fadhigooda loogu geeyo oo ay ku nagaadaan deggaanada KGS oo aysan u gudbin Muqdisho iyo gobolada kale halkaasoo lagu bah dilo inta xero lagu oodo ka dibna NGO lagu dul sameysto oo magacooda lagu qaraabto, NBB taas waa diidday ee qofkii damiir damqada lahow soo garab istaag NBB si aan Somali inteeda kale iyo adduunkaba u tusno inaan isu gurman karno anagoo Allah talo saaraneyna.

Si kastaba aha ahaatee, Waxaan madaxda iyo xildhibaanada KGS u sheegayna  walaalayaal waxaad wax ku tihiin oo aad kuraasta ku hesheen waa kuwan abaarta, daacuunka, biyo la’aanta iyo dagaalada la daalaa dhacayo. Cidaan idinka iyo Allah ahayn oo u maqan ma lahan maalinta Qiyaamana Allah waa idin kula xisaabtamayaa.

“Walaalayaal waxaan nafteyda iyo tiinuba kula dardaarmayaa Cabsida Allah iyo gudashada mas’uuliyadda naga saaran dadkeena saboolka ah ee abaaruhu saameeyeen”

WALAALAYAAL HADDAAN GACMAHA IS QABSANO, QABYAALAD MEEL ISKA DHIGNO ALLAH-NA TALO SAARANO UMMADDEENA WAA SAMATA BIXIN KARNAA.

WALAALAYAAL DEEQDIINA KU SOO HAGAAJIYA ABDALLAH SHARIF AHMED ( +252 612080808).

Walaalkiin

Dr Aweys Abdi Jidle

Madaxa Naadiga NBB

Perth, Australia.

ciyaalbaydhabo@gmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.