Dalka Shiinaha oo kordhinaya dhaqaalaha uu geliyo ciidankiisa

359

Bajin(INO)- Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu sare u qaadi doono 7% kharashka ku baxa milatarigiisa sannadkan. Caddadka rasmiga ah Axadda ayaa shaaca laga qaadi doonaa, marka baarlamaanka Shiinaha, golaha qaranka ee shacabka, uu billaabo kal-fadhigiisa sannadlaha ah.

Arrintan ayaa timid maalmo uun ka dib markii madaxweyne Trump uu hoosta ka xarriiqay qorshayaal lagu kordhinayo kharashka ku baxa milateriga, ku dhawaad 10%.

Sarkaal sare oo Shiinees ahayaa sheegay in Beijing ay u baahan tahay inay awood u yeelato ilaalinta madax-bannaanideeda iyo danaheeda.

Sannadihii u dambeeyey Shiinuhu wuxuu casriyeynayey ciidankiisa qalabka sida.

Dad badan oo wax indha-indheeya ayaa su’aal galinaya sida ay sax u tahay caddadka miisaaniyadda xagga difaaca, ayagoo sheegay in ay tahay mid aad uga badan inta la sheegay.

You might also like More from author

Comments are closed.