Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo xiray wadada Taleex iyo guri qaraxyada lagu soo diyaariyo, oo ay la wareegeen

49

 

breaknewsGoor dhaw oo galabta ah ayay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom, ay xireyn gebi ahaanba laamiga Taleex, oo ku yaala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Tani ayaa ka dambeysay markii goor dhaw walxaha qarxa markale la soo dhigay Dalcada Madaxtooyadii C/qaasim Salaad Xasan, oo uu saakay ka dhacay qarax uu ku dhintay ninkii aasaayay.

Ciidamadaan ayaa waxay isu gadaameyn halkii qaraxa la soo dhigay, waxayna dadka iyo gawaarida u diideen inay halkaasi ka soo ag dhawaadaan, isla-markaana waxay xireyn wadada oo dhan.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda iyo Amisom ayaa waxay galeen guri ku dhaw Madaxtooyada C/qaasim, waxayna ka heleyn qalabkii lagu soo diyaariyay qaraxaan iyo kii saakayba.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom ayaa waxay la wareegeen gurigaan, oo markii ay tagayaan aysan joogin dadkii degganaa.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.