Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho

61

iiiiiiiiiiiiiiii

Wararka naga soo gaaraya Guddaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in Gowrdhaw uu Shil diyaaradeed ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaarad shilka sababtay ay ahayd Diyaarad markii ugu horeysay maanta ka soo degtay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxay ay baalka ku dhufatay diyaarad kaloo tiilay meel Parking ah.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraaya in Diyaaradda soo dageysay ay baalka ku dhufatay diyaarad ay lee dahay Amisom oo goobta tiilay.

Maamulka Garoonka Aadan Cadde ma shaacin Diyaaradaan dalka laga lee yahay balse waxa ay sheegeen in Shilka uu ahaa mid aan buurneyn oo laga gaarsiiyay.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in Diyaaradda shilka geysatay uu iminka waxyeelo ka soo gaaray dhanka keydka shidaalka, isla-markaana uu shidaalku ka daadanaayo banaanka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.