Shaqaalaha wasaaradda Howlaha Guud oo loo qeybiyay Raashiin qalalan + Sawirro

33

Shaqaalaha Wasaaradda Howlaha Guud Dekkedaha Gadiidka Badda iyo Tamarta ayaa maanta loo qeybiyay raashin qalalan munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradaasi.

Munaasabadda shaqaalaha loogu qeybinayay raashinka ayaa waxaa wadajir uga qeyb galay Xildhibaan C/llaahi Xaaji Dayib, Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur), Agaasimayaasha qeybaha kala duwan ee Wasaaradda iyo madax qeybeedyada Wasaaradda.

Raashinkaan oo ka koobnaa Bariis, Bur iyo Saliid ayaa loogu talagalay in shaqaalaha ay ku daboolaan baahida qoysaskooda, iyadoo lacagta raashinkaasi lagu soo bedelayna laga saaray sanduuqa shaqaalaha ee Wasaaradaasi.

Agaasimaha wasaradda Howlaha Guud, Dekkedaha, Gaadidka Badda iyo Tamarta Dhagaxtuur oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in arrinkani uu qeyb ka yahay gudashada waajibadka Qaran ee ay u hayaan ummadda, iyadoo shaqaalaha uu yahay midka heerkaan waxqabad gaarsiiyay Wasaaradda, wuxuuna sheegay in labadii biloodba mar sidaan oo kale shaqaalaha Wasaaradda loogu dhiirigeliyo in kor loogu qaado moraalkooda si ay u laba laabaan waxqabadkooda shaqo.

Sidoo kale waxaa isna munaasabadaasi ka hadlay Xildhiban C/llaahi Xaaji Dayib oo ka tirsan Mudaneyaasha Baarlamanka, isagoo sheegay inay arrintaan ka qeyb galkeeda ay fursad weyn u tahay, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in mar kasta shaqaalaha Soomaaliyeed moraalkooda kor loo qaado laguna dhiirigeliyo waajibaadka Qaran oo ay dalka u hayaan.

“Wax la dhiirigeliyo waxaa ugu wanaagsan shaqaalaha Dowladda, waxaana markhaati ka ahay in tani ay tahay waajib cad oo saaran madaxda kala duwan ee shaqaalaha, waxayna kor u qaadeysaa niyadda iyo waxsoosaarka shaqaalaha Dowladda” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Xaaji Dayib oo dhinaca kalena ugu baaqay madaxda wasaaradaha kale inay ku daydaan tallaabadaan oo ah mid ku dayasho mudan.

DSC08305       DSC08312

DSC08314

 

DSC08322

DSC08323

DSC08325

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.