General Bariise oo ka hadlay qarax culus oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

39

Bariisee

General Bariise ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay qaraxaan u soo qab qabteen rag si dhaw loola xiriirinaayo, inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Qarax aad u xoogan ayaa wuxuu saakay ka dhacay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo uu ku dhintay mid ka mid ah Ciidamada Ururka Al Shabaab.

Qaraxaan ayaa wuxuu gil gilay Dalcada Madaxtooyadii C/qaasim Salaad Xasan, oo ku taala Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidamada Booliska ahna Taliyaha Hay’adda Dambi Baarista ee CID General C/laahi Xasan Bariise, ayaa wuxuu sheegay in qaraxaan uu ku dhintay ninkii waday oo kaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in ninkaan uu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab, wuxuuna doonaayay buu yiri inuu dad ku dilo, laakiin uu isagii uu Alle ku celiyay dhagartii uu maleygaayay.

General Bariise ayaa wuxuu xusay in toddobo nin ay u soo qab qabteen qaraxaan, kuwaa oo uu sheegay inay xilligaan ku xiran yihiin Xarunta Hay’adda Dambi Baarista ee CID, waxaana ku socda buu yiri baaritaano.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.