Midowga Yurub iyo Ethuiopia oo isku waafaqay Xal u raadinta Arrimaha Somalia

61

BELGIUM-EU-ETHIOPIA-DIPLOMACY

Madaxweynaha Ururka Midowga Yurub (EU), Herman Van Rompuy, iyo Ra’isul wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa waxa ay kawada hadleen Xiriirka labada dhinac iyo Xaaladda Nabadgalyo ee Mandiqada Geeska Africa, gaar ahaan Somalia.

Labada Mas’uul oo kulan ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Midowga Yurub ee Magaaladda Brussels, ayaa waxay kaloo kawada hadleen xoojinta Xiriirka Siyaasadeed iyo midka Ganacsi ee labada dhinac.

Waxay kaloo kawada hadleen in dhowr ajindo oo ku xiriirsan xaaladda Guud ee Geeska Africa, gaar ahaan Xaaladda Somalia.

Madaxweynaha Ururka Midowga Yurub (EU), Herman Van Rompuy, oo kulankaasi kadib oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia iyo Midowga Yurub isku aragti ka yihiin sidii Dalka Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad,Degnaansho iyo Horumar.

‘’Waxaan isku waafaqnay inaan si wadajir ah ugu wada shaqeyno Mustaqbalka Cusub ee Xiriir gobaleedka Geeska Africa iyo inaan iska kaashano Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Sidii loo dhisi lahaa Jawi wanaagsan ayuu yiri’’ Herman Van Rompuy.

Ururka Midowga Yurub waxa uu ka mid yahay Deeq bixiyayaasha Caalamka ee Dhaqaalaha ugu badan siiya Dalka Ethiopia, wuxuuna Midowga Yurub Sanadkii hore siiyay Dowladda Ethiopia Lacag ku dhow Hal billion oo Youro.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.