R/W Dalka Turkiga Oo Ka Hadlay Shirkii Somaliya iyo Somaliland Kana hadlay Ujeedada Wadhadalka Iyo Siyaasada Dalkiisa

64

turkey-prime-minister-erdo

Raysalwasaaraha Dalka Turkiga Mudane Dayip Erdogan ayaa markii ugu Hoaraysay ka hadlay dadaalka dalka Turkigu ugu jiro nabadaynta Somaliya iyo wadahadalada uu Turkigu ku dhexdhexaadiyay Somaliland iyo Dawlada Federalka Ee Somaliya.

Raysalwasaaraha oo shalay la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu rajaynayo in Somaliya ka baxdo dhibaatada iyo qaska ay ku soo jiraty mudada dheer,Sidoo kalena waxa uu Carabka ku Dhuftay wadahadaladii dhexmaray Somaliland iyo Somaliya,waxaana uu sheegay in uu rajaynayo in Somaliya dib u midowdo oo Somaliland iyo Somaliya ay dib iskula jaan qaadaan.

Somaliland ayaa 1991kii iskeed isku caleemo saartay kadib dagaalo qabaa,il oo galaaftay dawladii dhexe ee Milateriga ee Maxamed Siyaad Barre.

Tani waxa ay bayaaminaysaa shiki ay Shacabka Somaliland ka qabeen siyaasadadalka Turkigu ka leeyahay labada garab,Laakiin waxaa marwalba ay shacabka Somaliland fajiciso ku ah hadalka ka duwan siyaasada Turkiga ee Siyiisiyiinta Somaliland ama hogaamiyayaashu u sheegaan shacabkooga.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.