Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar ku jira oo la amray in muddo 24 saac Maxkamad lagu soo taago

32

 

Xabsiga Dhexe

Waxaa maanta cambaareyn kulul loo jeediyay laamaha ammaanka ee Dowladda, oo iyagu dad fara badan tuhuno awgeed ugu xiray Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa waxaa lagu xiraa dadka ay dambiyada ku helaan Maxkamadaha dalka ka jira, si ay Xabsiga Dhexe ugu qaataan xabsiyada dadkaasi lagu kala rido.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay maanta wax iska weydiiyeen dadka ku xiran Xabsiga Dhexe, iyadoo welibana ay dadka qaarkood yihiin, kuwo aysan xukumin wax Maxkamad ah.

Guddiga Garsoorka ee Baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo hawl galo lagu soo qab qabtay, kadib leeskaga xiray Xabsiga Dhexe, iyadoo aan wax Maxkamad ah dadkaasi la soo taagin.

Guddiga ayaa wuxuu kaloo sheegay in dadkaasi qaarkood leeskaga ilaaway Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayna codsanayaan in Baarlamaanka uu arintaan ficil ka muujiyo.

Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Somaliya Mahad Cabdalla Cawad, oo shir gudoominaayay kulanka ay maanta yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa wuxuu muddo 24 saac uu amray in Maxkamad lagu soo taago, maxaabiista Xabsiga Dhexe leeskaga xiray, iyadoo aan wax dambi ah geysan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.