Dhageyso: Shariif Xasan iyo Siyaasiyiinta Isbedel Doonka Ah Ee KGS Maxa Kala Haysta?

195
Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Oo Maamulkiis Hareeyey Mucaarad fara badan ka dib doorashadii Aqalka Hoose Ee Koonfur Galbeed Soomaaliy ayaa  Si Gaar Ah waxa uu Warbaahinta Ugu Weerarey Ex. Mustafe Mukhtaar Guudow Oo Ka Tirsan Siyaasiyiinta Isbedel Doonka  ah Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa waxa uu sheegey in dadka mucaaradka ka ah maamulkiis ay yihiin siyaasiyiin Xilal Ka Waayey Doorashadii Aqalka Hoose Ee Koonfur Galbeeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso
Ex. Xildhibaan Mustafe Mukhtaar Guudow ayaa Mar yiri  Hadaladani
 ama Halkan ku dhufo si aad u dhageysato Codkiis.

“Suuritagal  ma ahan, Baydhabo anigaa ayaa ii Xanibnaaneysaa,  wax lagama sameyn karo. Aniguna soomaaliye weyn ayaan wax ka weydiisanayaa, Shariif Xasan qaladkii ugu horeeyey uu galey waxa uu ahaa ; Dowladii C/laahi Yuusuf oo la soo hadhisey Baydhabo la keenay oona Baydhabo looga soo daneeyey horumarkeeda, waxa uu ahaa qofkii qiibiyey oo Asmara geeyey ayuu ahaa, Qofkan Masiirka Degaanadan kama naxo.” ayuu yiri Mustafe Mukhtaar Guudow.

” Shariif Xasan Hadii uu  hada ka tanaasulo Musharaxnimada inuu Ku  laabto Jagada Madaxweyninimada KGS Xaq uma lahan, sababta oo ah wuu ka tagey Bulshadiisa oo dayacan, Madaxweyne ku xigeenadiisa 1 iyo 2 kuma uusan dhaafin, horeyna ma oosan sameeynin” ayuu mar kale yiri Mustafe.

” Waxa ila hadley qof deeq Bixiyaasha Caalamiga Ka tirsan wuxu igu yiri ‘ yaa wax siinaa Madaxweynihiiba orod ayaa ku jiraa xilli weliba, madaxweyne ku xigeen aan la soo xariirno ma haayno’  umadyahay rag aqoonyahano ah ayaan nahay oo waxbarteen oo badan qofkan aan iska qabano, hadii dadka laga qabto waa in xitaa Maxkamada la soo taagaa” ayuu hadalkiisa sii raacey Ex. Xildhibaan Mustafe.

You might also like More from author

Comments are closed.