1.4 malyan oo carruur ah Oo nafaqo darro ku heysaa 4 dal

352

Muqdisho(INO)- Hayada QM u qaabilsan arimaha carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in  1.4 malyan oo carruur ah ay nafaqo darro ku heyso 4 dal.

Dalalkaa ayaa kala ah Soomaaliya, Koofur Suudaan, Yemen iyo Nigeria. Dagaalka Koofur Suudaan ayaa sababay in carruur tiradoodu dhan tahay 462,000 ay nafaqo darro asiibto.

Dagaalka sokeeye ee dalkaasi Koofur Suudaan ayaa iminka socday ku dhawaad 2 sano.

Ilaa 450 kun oo carruur ah ayaa iyana nafaqo darro ku heysaa gudaha dalka Nigeria.

Gudaha Soomaaliya abaarta jirta darteed waxaa UNICEF ay sheegtay shalay Isniintii in 185,000 oo carruur ah ay nafaqo darro ku dhacday.

Bilaha soo socda ayay sidoo kale sheegtay in carruurta nafaqo darradu heyso ay tiradoodu gaari doonto 270 kun.

Wadamadaa 4ta ah ee kala ah Soomaaliya, Koofur Suudaan, Yemen iyo Nigeria ayaa dhammaantood waxaa kajira colaado iyo abaaro keenay in raashin yari ay ka dhacdo.

You might also like More from author

Comments are closed.