Warar sheegaya in Inj: Yariisoow loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya

41

yarisow

Warar  laga  helay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in C/raxmaan Cumar Inj: Yariisoow oo soo qabtay xilal kala duwan oo wasiiro ah ayaa hada loo magacaabay afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Warkan oo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacin in Injineer Yariisoow uu yahay afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadana warar horudhac ah oo aan helnay ay sheegayaan in Yariisoow xilkaasi loo magacaabay.

Inj Yariisoow ayaa soo noqday Wasiirkii lacagta Xukuumadda KMG aheyd ee dalka sidoo kalena soo noqday Wasiirkii warfaafinta iyo sidoo kale afhayeenkii Xukuumadii KMG aheyd ee dalka soo martay.

C/raxmaan Cusmaan Inj Yariisoow oo ah siyaasi in badan lasoo shaqeeyay Dowladii uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed ayaa hadda waxaa laga dhigay inuu noqdo afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Muddo labo todobaad kadib ayaa la sheegay inuu shaqada afhayeenka Madaxtooyada uu si toos ah u qaban doono islamarkaana uu shaqadiisa caadiga halkaasi ka bilaabayo.

Xogta ku aadan in Inj: Yariisoow laga dhigay afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ee aan wali la shaacin ayaa laga helay ilo xog ogaal ah oo  lagu kalsoon yahay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.