Sheekh Shaakuul: “Odayaasha Shirka Jaraa’id Kismaayo ku qabtay waxay ka tirsanyihiin Xafiiska Axmed Madoobe”

49

Hogganka Raaskanbooniyiinta Kismaayo Axmed Madoobe ayaa Gadaal ka soo riixay qayb kamid ah Odayasha Beesha Absame in ay Isaga u Doortaan Musharaxa Beeshaas Isla Markaana ay Meesha ka saaran Musharixinta kale ee Beesha ka soo jeeda sida ay sheegeen qaar kamid ah musharaxiinta utaagan xilka madaxweynaha Jubbaland

Qayb Kamid ah Odayaashas Taageersan Axmed Madoobe oo Saxafadda la Hadlay ayaa waxay sheegeen in ay Isla garteen in Beesha Absame uu u Tartamo 1 Musharax iyagoo sheegay in markii ay arkeen seddexda Musharax ay Axmed Madoobe u Dorteen in beesha absame uu u matalo Doorashadaas.

Dhageyso Odayaasha Meel Mariyey Musharaxnimada Axmed Madoobe

[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/04/Ugaas-Cumar-Ugaas-Xiirey.mp3]

Intaas Kadib ayaa Odayaal kale oo Iyagana Beesha Absame ah waxay sheegeen in aysan arrintaas la qabin Odayaasha Absame ee Mid qura u asteeyey in Beshas ay Musharaxa u matalaan, Iyagoo sheegay In siyaasiinta Beshaas u Sharaxan ay Badanyihiin 1 Qofna aysan u afduubi karin Siyaasiin laga yaabo in ay Dalka iyo Dadka wax u qaban Karaan.

Sheekh Maxamed Ibrahim Shakuul ayaa isagoo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose  waxaa uu si deg deg ah jawaab oga bixiyay hadal Maanta kasoo yeeray mid kamid ah beelaha daga deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo oo shir ku yeeshay Maaanta Kismaayo.

Dhageyso Sheekh Shaakuul  oo diidmo buuxda ka keeney arrinta odayaasha Absame [audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/04/Sheekh-Maxamed-Shakuul-waraysi-by-Laki-.mp3]

Shakuul ayaa sheegay mowqifkiisa ku aadan Madaxwaynaha Jubbaland inaysan marnaba is badali doonin ilaa laga guulaysto ama uu guul daraysto, wuxuuna si kulul u dhaliilay odayaashii go’aanka soo saaray, isagoona xusay inay hoos tagaan Xafiiska Axmed Madoobe.

Ka hor Go’ankan Odayaasha Absame Qaybtood waxaa Jirtay qaylo ka soo Yeeraysay dhamaan Qaybaha Musharixiinta Kismaayo oo ay sheegeen in awoodda Magaalada iyo dhinac kasto ay Gacanta ugu Jirto Axmed Madoobe, sida  Ciidanka, Dhaqaalaha, iyo Maamulka Magaalada Isla Markana waxay soo jeediyeen wakhtigaas in xmed Madoobe Noqodo Musharax Banaanka ka tagan qaybaha uu Gacanta ku hayo ama noqdo Oday howshan Maamulaya oo aan Gacanta la soo gelin Howshan.

Si kastaba Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya siyaasad xoogan iyo loolan udhaxeeya musharaxiinta utaagan xilka madaxweynaha Jubbaland oo ay utaagan yihiin dad toban ruux ka badan

You might also like More from author

Comments are closed.