Kal Fadhigii Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya oo Maanta Fadhigiisii 17aad Isugu Yimid

48

In kabadan Boqol iyo Konton Mudane oo ka tirsan Baralaamnka Soomaaliya ayaa maanta Kal Fadhigoodii labaad ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Fadhiga barlamaanka oo maalmahanba waday dhagaysiga War Bixino ay soo gudbinayeen Guddiyada Barlamaanka ayaa maanta waxaa war bixinadooda la dhagaystay Guddiyda Barlamaanka ee Cadaaladda iyo Garsoorka iyo Guddiga

Ugu horeynba waxaa halkaa war bixino ka soo jeediyay Guddiga cadaaladda oo taargadkoodu ahaa war bixino ay ka soo diyaariyeen Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Guddiga cadaaladda ee barlamaanka ayaa sheegay in ay booqdeen Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho isla markaana ay ku arkeen xaalad aad u liidata oo ay ku sugan yihiin Maxaabiista ku jirta Xabsigaas.

Uddiga ayaa war bixintooda ku daray in ay jiraan Maxaabiis aan xukanayn oo xabsigaas isaga xiran halka intaana ay ku dareen in Maxaabiista qaarkood ay la xanuunsanayaan Cuduro kala duwan.

Golaha ayaa Barlamaanka ayaa sidoo kale Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ka dhagaystay war bixintii ay halkaa ka soo jeediyeen.

Guddiga arrimaha Gudaha iyo ammaanka ayaa soo qaaday qaraxyadii ka dhacay qaybo ka mid ah dalka sida qarax Bishii janaayo ee sanadkan xarakada Shabaab ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa war bixinadooda ku daray iska hor imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada dawladda iyo Xarakada Shabaab oo ka dhacay qaybo kala duwan ee Gobolada dalka.

Dhagaysiga War bixinadaas kaddib ayaa fadhigii la soo gaba gabeeyay iyadoo ay harsanaayeen laba guddi kale oo maanta ku qornaa in la dhagaysto war bixinadooda gudiyadaas oo kala ahaa Guddiga Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha iyo Guddiga maaliyadda.

Si kastaba maalinimada Berri ah ayaa lagu wadaa in Fadhiga dib la isugu soo laabto si halkaa looga anba qaado qodobada aan ajandhayaasha hor yaala Fadhiga Barlamaanka fadhigiisa 17aad.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.