Sawiro: 30 Dalxiisayaal Ah Oo Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay Jesiiradda Taiwaan.

119

Taiwan(INO)- Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay dadkaasi xalay ku geeriyoodeenm kadib, markii uu dhinac u liicay Baskii ay ku safrayeen meel ku dhow Caasimadda Taywaan ee Taipei.

30 qof ayaa isla goobta ku geeriyootay, iyadoo 2 kalena ku geeriyootay Isbitaalka, waxaana haatan la daaweynayaa 12-kale oo shilka wax ku noqotay.

Maamulka magaalladda Taipei waxay sheegeen in Dalxiisayaasha da’doodu u dhexeysay Labaatameeyo ilaa 60-meeyo jir, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkaasi.

You might also like More from author

Comments are closed.