Daawo: Xildhibaano Ka Tirsan BFS Oo $20.000 Ku Wareejiyey Maamulka Gobolka Bakool

293

Xudur(INO)- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Federalka Soomaaliya ee laga soo doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Deeq lacageen oo horudhac ah ku warejiyey Maamulka Gobolka Bakool.

Halkan Ka Daawo VIDEO

Wefdi uu hogaaminaayey Xildhiban Idiri Cabdi Takhtar oo maanta gaaray Magaalada Xudur ee Gobolka Bakol ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweyey Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdi Tool ,maamulka Degmada Xudur iyo daweynekale.

Wefdigan oo ujeedadiisu ahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha Abaaraha iyo Biyo la’aanta ee ka taagan gobolka Bokool .

Xildhibaan Idiris iyo gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa dadweynaha kula hadlay Xaruunta maamulka iyagoo ka hadlay dhibaatooyinka bani’aadanino iyo Abaarta taagan sidoo kalena Baaq ujeediyey Madaxweynaha Cusub Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Intaasi ka dib Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar ayaa lacag Gaareysey labatan Kun oo doolar ( $20.000)  waxaa uu ku wareejiyey Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool lacagtaas oo  dhawaan iska soo aruuriyey Xildhibaano,siyasiyiin iyo qaar kabin ah Bulshada Rayinka.

Hase yeeshe deeqdan lacageed ayaa ah mid horudhac ah iyodoo waqtiyada soo socoda la gaarsiin doono goobo badan oo dhibaatooyin ka tagan yihiin.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Wariye Abshir Maxamed Nuur  Mandellla, Idale News Online, Xudur

You might also like More from author

Comments are closed.