Mudane katirsan Baarlamaanka Somalia oo isku soo sharaxay Doorashada Madaxweyne ee Jubaland State

45

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu isku soo taagay doorashada Madaxweynanimo ee Maamulka Jubaland State ee hada dhisidiisu kasocoto Kismaayo.

Maxamuud Cali Magan waa Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxa uuna xiligan ku sugan yahay Magaalada Kismaayo waxa uuna halkaasi kaga dhawaaqay in uu u taagan yahay Doorashada Xilka madaxweyne ee Maamulka Jubaland State.

Xildhibaan Magan ayaa xaflad balaaran ku qabtay Magaalada Kismaayo waxa uuna halkaasi kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan Madaxtinimada Maamulka Muranka ka taagan yahay ee Jubaland State isagoona sameeyay balan qaadyo badan hadii la doorto.

Doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubaland State ayaa waxaa isku soo taagay Musharixiin badan oo hami ugu jira in ee noqdaan Madaxweynaha Maamulkaasi waxaana ugu cad cad dadka u taagan Doorashada Axmed Madoobe Hogaamiyaha Kooxda Raaskanbooni.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dastuurka Soomaaliya ayaa ku qoran in Xildhibaanka katirsan Baarlamaanka Soomaaliya uusan qaban Karin Xil ka yar Wasiir mana cada sida Xildhibaankan ka yeelayo Kursiga Baarlamaanka kol hadii uu kursi kale u hanqal taagayo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.