Dhageyso: Caqabada ugu weyn ee hortaalla Madaxweyne Farmaajo

35

Kismaayo(INO)- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya hadii aysan la shaqeyn Beesha Caalamka in uu la kulmi doono caqabad weyn.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hadda hogaamiyo Farmaajo hadii aysan taageero ka helin Beesha Caalamka in aysan shaqeynkarin.

Axmed Midoobey oo shalay la kulmay xubno ka socday Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegay in uu kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. Hanaanka dowladnimada Soomaaliya ayaa inta badan taageero ka hela  Beesha Caalamka.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.