Sawiro: Munaasabad lagu soo dhaweynayay Malaaqa Beesha Disow oo lagu qabtay Muqdisho

168

Muqdisho (INO)—Munaasabaddan oo aheyd mid ballaaran islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Waxgarad, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Malaaqyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa lagu soo dhaweynayay Malaaqa cusub ee Beesha Disow, Malaaq Cismaan Bashiir Cali.

Ugu horeyn, Ugaass Maxamed Aadan oo ku hadlay Munaasabada soo dhaweynta ayaa waxuu dardaaran u jeediyay Malaaqa cusub ee Beesha Disow, isagoona ku booriyay in uu u shaqeeyo Umadda Soomaaliyeed.

Ugaas Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu ka dalbaday Dadkii ka soo qeyb galay Xaflada in ay caawiyeen Dad badan oo dhibaato ay ka soo gaartay abaaraha ka jira Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaciisa, Malaaqa Beesha Disow, Malaaq Cismaan Bashiir Cali oo ka hadlay Xafladaasi ayaa waxuu balan qaaday in si hufan uu u gudan doono howsha loo igmaday.

Malaaq Cismaan ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Beesha Disow kaliya uusan wax u qaban doonin balse uu u shaqeyn doono Umadda Soomaaliyeed.

Malaaqan ayaa dhinaca kale waxuu hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Sikastaba, Caleemo Saarka Malaaqa Beesha Disoow, Malaaq Cismaan Bashiir Cali ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Halkan Ka Daawo Sawiro

DSC_0191DSC_0193DSC_0195DSC_0198DSC_0199DSC_0204DSC_0208DSC_0232DSC_0245DSC_0249DSC_0258DSC_0259

You might also like More from author

Comments are closed.