(DAAWO SAWIRADDA). 197 Sarkaal oo Tababar loogu soo xiray Jibouti

33

Saraakiil ka kala socday Dowladda Talyaniga iyo AMISOM ayaa Tababaro u soo xiray 197 Sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliska Somalia.

Tababarka ayaa waxa uu ka socday Dalka Djibouti iyadoona Saraakiishaasi ay qaaten Tababar Saddax bilood, waxaana si gaar ah Saraakiishaasi loo baraayay maareynta arrimaha guud, iyo denbibaarista.

Dhaqaalaha ku baxay Tababarkaasi ayaa waxaa baxshay Dowladda Talyaaniga.

Wasiiru Dowlaaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Mahdi Maxamuud Cali ayaa isaga oo ku hadlaaya magaca Xukuumadda Soomaaliya u mahad celiyey dhamaan intii ka qaybqaadatey hergelinta tababarkan, waxa uuna amaanay Heerka Tababar oo ay qaateen Saraakiishaasi.

DAAWO SAWIRADDA:-

2

1

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.