Ciiddamada DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Deegano Ku Dhow Magaalada Xudur.

136

Muqdisho(INO)- Wararka ay Idale News Online  ka heshay Toolooyin ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Ciiddamada dowalada iyo kuwa koonfur galbeed ay howlgal ka sameeyeen halkaasi oo lagu soo qabtay tiro Dad ah oo lala xiriirinayo Al-shabaab.

Saraakiisha Ciiddamada dowlada ee Bakool ayaa sheegay inuu ahaa howlgalkaas mid gaar ah oo laga fuliyey nawaaxiga Xudur islamarkaana ay beegsadeen rag lagu tuhmayo inay xiriir laleeyihiin Al- Shabaab oo ay ciiddamadu soo qabteen,waxaana ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo loo maleynayo Shabaab.

Wali Ma aysan bixin faahfaahin dheer saraakiisha Ciidamadu oo ku saabsan howlgalkaasi waxaan ay sheegen in saacadaha soo aadan ay la hadli doonaan Warbaahinta si ay ubixiyaan wararka laxariira Baaritaankaas.

You might also like More from author

Comments are closed.