Dhageyso: Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo codsadey in Heshiiskii Turkiga ee Madaxweyne Xasan iyo Maamulka Siilaanyo la hor keeno barlamaanka

44
[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/04/Prof.Cali-Khaliif.mp3]

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa maanta kulan yeeshay.Kulankan ayaa ahaa mid lagu dhagaysanayay warbixinadii gudiyada Baarlamaanka soo diyaariyeen.Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh ayaa ka dhex istaagay Baarlamaankii wuxuuna sheegay in heshiiskii dalka Turkiga ku dhexmaray Somalia iyo Somaliland  uu yahay mid lagu ictiraafay gooni isutaaga Somaliland sidaa darteedna ay muhiim tahay in heshiiskaas beri la horkeeno Baarlamaanka si looga doodo.Buuqa badan oo ay xildhibaanada qaar sameeyeen kadib wuxuu afhayeenka Baarlamaanku soo jeediyay in Baarlamaanku uusan qodobkaas ka doodi karin ilaa iyo int a laga soo waafajinayo sharci hoosaadka uyaal Baarlamaanka oo ah in qodobka kasta oo Baarlamaanka looga doodayo ay soo saxiixaan ugu yaraan 10 xildhibaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.