R/wasaaraha oo kulan la qaatay wafdi ka socday Midowga Yurub

36

Wefdigan ka socday Midowga Yurub ee uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” , isla markaana ay hoggamineysay agaasimaha Barriga iyo Kuunfurnta Afrika u qaabilsan Midwoga Yurub Francesco Mosca ayaa kulan ay Ra’iisul wasaaraha la qaateen wefdigaasi waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ka qeyb-qaadashada dhismaha ciidammada dowladda, horumarrinta gobollada dalka iyo arrimo kale.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa tilmaamay in wefdigii uu kala hadlay in Soomaaliya lagu caawiyo qorshaha ay iyadu degsatay iyadoo dhinaca kale uu sheegay in la isku soo qaaday siyaasadda gobolka iyo midda caalamiga ah qorshaha Soomaaliya uga aaddan, dhammaanna ay isku afgarteen.

Mss Francesca Mosca oo ah madaxa barriga iyo Kuunfurta Africa u qaabilsan Midowga Yurub ayaa dhinaceeda sheegtay in muhiimadda wada hadalka dhexmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in laga dhabeeyo taageerada Midowga Yurub uu ku yaboohay, taasi oo ka soo baxday shirka magaalada Brussels ka dhacay, iyadoo intaa raacisay in ahmiyad weyn la siiyey sidii wadamada deeq bixiyeyaashu ay u kordhin lahaayeen caawimaadda Soomaaliya.

Midowga Yurub iyo wadamada Deeqda Bixiya  tan iyo markii Soomaaliya uu isbaddelka ka dhacay waxa ay billaabeen siyaasad cusub oo wax badan ka baddellay kuwii hore Soomaaliya lagula tacaamuli jiray, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay si madax bannaan uga faa’ideysaneyso fursadda taageerada ah ee Soomaaliya la siinayo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.