War dag dag ah Beesha Absame oo hal musharax iska dortay iyo Gandi oo qadacay

22

Kismaayo-1_12

Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hose ayaa waxaay tibaxayaan in  manta magaaladaasi ay go,an  lagu kala  reebayo musharaxiinta  badan ee  beesha ka soo sareen Odayaasha Beesha Absame.

Kulan u socday Odayaasha Beesha Absame mudo dhan 7  cisho  ayaa waxaay manta ka soo sareen go,an ah in Beesha ay hal musharax uu uga qayb galayo dorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Odayaasha ayaa waxaay sheegeen  ka dib marki ay firiyeen dhinacyo badan islamarkana ay tartan siyeen 3 musharax ee ugu cad cad beesha absame ee kala ah  Sh Axmed Madoobe  Sh Shakuul iyo Prof Gandi ay  odayaasha  u garteen in u tartanka ka qayb galo Musharax Sh Axmed Madoobe.

Kadib go,ankaas ayaa waxaa si dag dag ah markiiba u qadacay   Prof Maxamed Cabdi Gandi  PROF KA  oo  la so xariiray Shabakada IDALENEWS aya  waxaa u sheegay in go,aanka odayaasha usan ahayn mid cadaalad ah  asagana ahana usan  marnaba u hogaansami doonin.

Sido kale Sh  Ibrahiim Shakuul ayaa asagu ka gabsaday  in uu wax ka yirahdo Go,aanki ka soo baxay odayaasha beesha Absame  waxaana uu sii labo jibaaray Olaolahiisa doorashada  asago awooda saraya in u noqdo Musharax madax banan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmihii ugu danbeyay soo garayay Musharaxiin aad u badan  kuwaas oo donaya in ay qayb ka qataan  dorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la filayo in ay  dhawaan ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.