Amisom iyo Dawlada oo heshiis muhiim ah gaaray iyo Shacabka oo ku farxay arintaasi

61

Taliska Ciidamada Amisom ayaa ogolaaday waxyaabo ay muhiim u arkaan shacabka Somaliyeed inay sameeyaan taasi oo dawlada Somaliyana kula heshiisay in la hirgeliyo.

Amisom ayaa waxay aqbashay markii ay gaadiidkooda marayaan wadooyinka Muqdisho ay ilaaliyaan Shuruucda wado marista oo si xawaare ah uwadin gaadiidkooda oo mararka qaarkood shilal sababaan.

Taliyaha ilaalada Wadooyinka Taraafikada Somaliya Janeral Cali Xersi Barre (Cali Gaab) oo saxaafada qaarkeed la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay Amisom ka ogolaadeen in xitaa hadii ay gaadiidkooda shil ugeysto dhaawac ama diyo dhimasho keento ay iyagu qaadayaan dheefteeda iyo marashada dhaawacyada sida uu yiri cali Gaab.

Dhowr jeer ayaa gaadiidka Amisom waxay shilal ay ka geysteen Muqdisho ay si ula kac ah ujiireen dad shacab ah oo qaarkood salaad tukanayey halka kuwo kalena ay baabuur ay wateen gawaarida Amisom kormareen.

Dawlada Somaliya laanteeda ilaalada Wadooyinka ayaa waxay sheegeysaa in Amisom hadda ay uhogaansami doonto shuruucda Wadooyinka gaadiidka Muqdisho sida uu saxaafada usheegay Cali Gaab.

gawaarida Amisom

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.