Muxuu ka yiri Madaxweyne Barack Obama Qaraxii ka dhacay Magaaladda Boston

34

images

Madaxweynaha Maraykanka Barac Obama ayaa waxa uu sheegay Qaraxa ka dhacay Magaaladda Boston, uu ahaa mid aan suura gal ahayn isagoona ku micneeyay in Qaraxa uu yahay mid la xiriir Qaraxyada ay geystaan Al-qacidada Caalamka.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu wax lala yaabo ku tilmaamay, war ka soo baxay Booliska Maraykanka oo sheegayay in ay ka sii war qabeen, qaraxyada dhacay iyo cida ka danbaysa oo xog laga sii hayay.

Obama waxa uu sheegay Maraykanka inuu ogaan doono cidii ka danbaysay qaraxyada ka dhacay Boston, laakiin uu la yaabay ujeedada dadka ka sii hor dhacayaa ka leeyihiin.

Madaxweyne Obama ayaa ugu danbayntii sheegay in wax kastoo dhaca la xalin doono, dhawaana la gaari doono in meel la isugu keeno xogta ama si midaysan loo dhigo, waxa kale oo uu tilmaamay in lagu jiro tashi laga leeyahay adkaynta iyo kor u qaadida ammaanka Maraykanka.

Dhinaca kale warbaahinta Maraykanka qaarkood ayaa qorayay wakhtiyadii ugu danbeeyay warar is khilaafsan oo ay ka muuqdaan deg deg iyo ka fiirsi la’aan badan, tusaale ahaan jariirada Boston Global ayaa iyadu bogeeda internet-ka ku baahisay in tirada dadka ku dhaawacmay qaraxyadaasi boqol kor u dhaafeen, hasa yeeshee waxa ay ku guul daraysatay in ay xaqiijiso  meesha ay warkaas ka soo xigatay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.