Paris: Nin Baangad ku hubeysan oo weerar ku qaaday askar ilaalo ka haysay madxaf

152

Muqdisho(INO)- Caasimadda dalka Fransiiska ee Paris ayaa waxaa ka dhacay fal weerar ah kaas oo loo geystay askari ilaalo ka hayey matxafka Louvre , waxaana uu askarigaasi rasaas ku furay ninka oo uu ka shakiyey inuu weerar la damacsanaa.

Ninka ayaa ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” , waxaana lagu soo waramayaa inuu doonayey inuu baangadda uu sitay ku dhufto askariga balse isaga dhaawac halis ah soo gaadhay ka dib markii askarigu rasaas kaga jawaabay weerarka.

Ninka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inuu doonayey inuu galo dukaan ku yaal dhanka hoose ee matxafka.

Hawl gal ammaan oo ballaadhan ayaa haatan socda, waxaana wasaaradda arimaha guduhuna xaaladda ku tilmaantay mid “ba’an”.

Dadkii ku jiray matxafka Louvre ayaa iyagana laga daad gureeynayaa. Wararka ku saabsan dhacdadani way isa soo tarayaan, laakiin af-hayeenka booliska Faransiiska ayaa sheegay in ninka weerarka qaaday ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” oo ah erayo af-carbeed ah oo ka dhigan Allaa weyn.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in uu sitay mid ama laba shandadood, war kalena wuxu tibaaxay in uu dhabarka ku sitay shandad.

Ruux kale ayay boolisku hayaan oo lagu sheegay in uu la socday ninka weerara geystay. Xaaladda magaalada Paris ayaa kacsan waxaana ay dowladdu ku tilmaantay weerarkaasi mid argagixiso.

You might also like More from author

Comments are closed.