DEG DEG: 3 Nin Oo Ay Gawracdey Daacish Oo La Soo Dhigey Duleedka Degmada Qandala

24

Qandala(INO)— Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in saddex ruux oo qoorta ka go’an lagu arkay Tuulo lagu magacaabo Karin.

Sida ay sheegayaan wararka saddexdan ruux ee la gowracay ayaa laga cabsi qabaa inay ka dambeeyaan Dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Dadka deegaanka Tuulada Karin ayaa sheegaya in saddexda ruux ee la gowracay saaka lagu arkay wadada halbowle u ah isu socodka Tuuladaas iyo degmada Qandala.

Meydadka ragga qoorta ka go’an ayaa waxaa la soo raaciyay waraaqado fariimo ah, waxaana arrintan cabsi iyo wal wal ka muujiyay dadka deegaanka.

Maalmo ka hor ayay aheyd gaari xamuul ah oo ka soo baxay degmada Qandala ay istaajiyeen dagaalyahano ka tirsan Daacish, ayna la dageen dad saarnaa oo ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan Puntland.

Dagaalyahano ka tirsan Daacish oo dhamaadkii sanadkii hore laga saaray degmada Qandala ayaa wali ku xooggan agagaarka degmadaas iyo dhulka buuraleyda ee u dhow.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan raggan qoorta laga jaray ee saaka lagu arkay meel ku dhow Qandala.

You might also like More from author

Comments are closed.