Qarax lala beegsaday gaari uu watay gudoomiye Degmo oo ka dhacay magaalada Muqdisho

45

GobalkaBanaadir

Sida ay sheegayaan waxaa goor dhaweyd oo duhurnimadii ah weerar lagu qaaday gaari uu la socday gudoomiyaha Degmada Heliwaa Cumar C/lle Jacfaan kaasi oo si dirqi ah uu ubad-baaday.

Dad goob joog ahaa ayaa waxay Markacadey.net usheegeen in xaalada mar kaliya is badashay waxaana gaari uu la socday gudoomiye Jacfaan oo marayey agagaarka isgoyska SOS lala beegsaday qarax miino inkastoo uu ka bad-baaday.

Cumar Jacfaan oo weerarkaasi lala eegtay kadib saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu alle bad baadiyey baabuurkiisana uu bur bur soo gaaray wax khasaaro nafeedna aysan geysan sida uu yiri qaraxii lala damacsanaa in isaga lagu khaarajiyo.

Waa markii afaraad oo isku day dil uu ka bad-baado jacfaan isagoo seddex jeer oo hore falal lagu maleegayey in isaga lagu dilo uu ka bad baaday waxaana shabaab ay aad udoonayaan khaarajinta ninkaasi oo dagaal adag kula jira.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.