Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in heegan buuxa la gelyay ciidamada Qalabka sida

46

Wasiirka-arimaha-gudaha-1-1

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegtay in heegan buuxa la geliyay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed waxeyna  Shacabka ka codsatay iney hay’adaha ammaanka ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa shegay in gacanta lagu ahayo Amaanka magaalada Muqdisho,  isla markaana heegan buuxa la geliyay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya wuuxuuna ugu baaqay shacabka iney Ciidamada gacan ku siiyaan sugida amniga.

‘’Qorshayaal badan oo ay damacsanaayeen waa la fashiliyay falkii arxandarada ahaa ee Shalayna waxaa laga baran karaa inaanu xaalada Amniga kor usii qaadno, waxaa laga baran karaa ineysan jirin cid ay dhaafayaan oo ay yihiin arxan laawayaal,  waxaa laga baran karaa in haddii Si Wadajir ah dowlada iyo shacabka isaga kaashadaan laga hortagi karo falalka Argagixisada oo ay soo maleegaan dhagarqabayaasha baneystay Daadinta Dhiigga ummadda Soomaaliyeed’’    Sidaasi waxaa yiri C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho xalay ilaa saaka ka wada xaafo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir,  iyadoo ciidamadu ay gacanta ku dhigeen rag iyo gaadiid looga shakisanyahay iney wadeen falal amnidarro ah.

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa ciidamada qalabka sida oo gaaf wareegaya wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho, waxeyna il gaar ah kuyaan dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, kuwaas oo u Geyfan ka hortagga cid kasta oo wadda fal argagixiso.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.