Daawo: Xildhibaano Sheegay in ay taageersan yihiin Musharax Xasan Sheikh oo kulan ku yeeshey Hotelka SYL…

146

Muqdisho (INO) – Kulan taageero loogu muujinaayey Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla markaasna ay ka soo qeyb galeen xildhibaano lagu qiyaasey ku dhowaad 90 xubnood, ayaa lagu qabtey Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii kulanka goob jooga ka ahaa ayaa kulankaasi ka sheegay in ay codkooda siin doonaan musharax Xasan Sheekh, isla markaasna taageersan yihiin  hal ku dhega musharaxa ee ah”Qabyo Ninkeeda ayaa dhameystira”

Xildhibaan Sheikh Aadan Madoobe oo xildhibaanada codkooda ku hadlaayey ayaa sheegay in dhamaan  xildhibaanada goobta fadhiya ay taageersan yihiin in Musharax Xasan Sh Maxamuud  dib u soo doortaan, iyagoon aan sababeynin waxqabadkiisa muddadii 4tii sano ee la soo dhaafey . Inkastoo ku dhowaad 50 xildhibaan oo beelaha DM ka soo jeeda aysan goobta imaanin haddana waxaa jiray ilaa 12 xiildhibaanadii oo beelweynta Digil & Mirifle ka soo jeedey ee kulanka taageerada (endorsement) joogey waxaana ay kala ahaayeen:

  1. Xil. Axmed Mayow Cabdulle (Korneyl Ruush)
  2. Xil. Sheekh Maxamed Nuur “Sheikh Aadan Madoobe”
  3. Xil. Sareedo Maxamed Abdalla
  4. Xil. Amb Maxamed Mursal
  5. Xil. Sandheere Maxamed Iftiin
  6. Xil. Cabaas Siraaji
  7. Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen (Badni)
  8. Xil. Khaliif Duurey
  9. Xil. Maxamed Xuseen Afaraale,
  10. Xil. Maxamed Mursal Booroow
  11. Xil. Ibrahim Yaroow
  12. Xil. Maxamuud Macalin Yahye

Dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed oo iyagu isha ku haaya xildhibaanada  ay soo doorteen ee xanbaarsan codkooda, cida u doorayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa ay ku qiimeyn karaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loogu dooran karaa, mar kale.  Xasan Sheekh waxa uu sheegay 5 bilood kadib doorashadiisi isaga oo ku sugan magaalada London in afar sano ay ka badan tahay sida dhaqankuna yahay aan Madaxweyne Soomaaliyeed mar kale dib loo dooran,  Haa taas run ayuu ka sheegay, maxaa marka beddalay aragtida madaxweynaha?.

Haddii dib loo doorto Xasan Sheekh Maxamuud maxay ka dhigan tahay, waxaa dad badan aaminsan yihiin in meel fog laga raadinayaa, xasilooni siyaasadeed, midnimadda iyo qaranimada Soomaaliya, waxaana dalku khatar ugu jiraa in uu dib ugu noqdo waayihii xumaa ee soo maray,  AMISOM dalka ma sii joogi karto marka la eego dalalka ay ka socdaan oo iyaguba cago aan ku taagneyn, Xasan Sheekhna wuxuu helay fursad uu Soomaaliya wax uga qaban karo, taas oo seegtey haddaba waxaa fursad labaad haysta Xildhibaanada Soomaaliyeed oo ay Soomaaliya ku bad-baadin karaan, inkasta oo hal xaaraam ah aysan dhalin nirig xalaal ah.

Lama oga in dhamaan xildhibaanadii halkaasi joogey

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.