Halkaan Kadaawo Dhacadadii Maanta Muqdisho Kadhacday oo Video ah

61

syria

Ugu yaraan 20  Qof ayaa ku dhintay qaraxyo gawaari loo adeegsaday oo lagu qarxiyay banaankaa hore ee Maxkamadada Gobolka Banaadir, iyadoo islamarkaasina rag dablay ah ay gudaha u galeen dhismaha Maxkamadda oo muddo kooban ku jiray ka hor inta aanan lagu guulaysan in halkaasi laga saaro.

”Ilaa todobo dablay oo aad u hubaysnaa kuna labisnaa dareeska ciidamada Dowlada ayaa gudaha u galay xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir iyadoo islamarkaasna uu gudaha u galay xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir iyadoo islamarkaasna uu alabaanka hore ee maxkamdda ku qarxay gaari waxyaabo qarxo laga soo buuxiyay, sidaasi waxaa yiri Aadan Sabdow oo ka mid ahaa shaqaalaha Maxkamadda.

Waxa uu intaasi ku daray in dablayda ay u malaynayeen Ciidamada Dowlada Waxaana xiligaasi ku sugnaa Maxkamadda saraakiil ka tirsan Dowlada,

Markii Qaraxa ugu horeeyay uu dhacay gudaha Maxkamaddana laga maqlay rasaas ay rideen dablayda gashay ayaa waxaa islamarkiiba u soo gurmaday Ciidamada dowlada oo rasaas ay isdhaafsadeen dablayda kadibna waxaa qarxay qarax labaad oo aad u xooganaa.
Halkaan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

[vsw id=”R1_YsM_tSUE” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.