Madaxweynaha oo ka hadlay werarkii Shabaab saacado kula wareegeen xarunta Maxkamada Gobalka Baanadir

44

xasanSheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa aad u dhaleeceeyay weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.Argagixisadda ayaa weerar ku qaaday xarunta gobolka Banaadir iyo maxkamadda gobolka.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan ehelada shacabkii ku geeriyooday weerarka foolsha xummaa oo ay argagixisadu ku soo qaadeen shaqaale dowladeed oo aan waxba galabsan. Wuxuuna yiri “waxaan ilaah uga baryaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo eheladii ay kabexeen’na samar iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin.”

“ Anagu horay ayaan u soconaa, laakin cadawga Soomaaliya iyo kan Bani-adam ka ayaa isku dayayo in uu naga hor istaago horumarka. Waxaan rabaa in argagixisadda AlShabaab/ Al-Qaeda ay ogaadaan in Soomaaliya horumarka iyo nabadda aysan ka hor istaagi karin koox yar oo argagixisa ah.“

“ Weerarkani wuxuu muujinayaa in cadawga looga guuleystay oo laga qabsaday dhamaan goobihii muhiimka u ahaa ay ku lahaayeen guud ahan gobolada Soomaaliya, calaamadna uyahay jabka gaaray shabaab.” Madaxweyne Xassan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.