Madaxweynaha Mexico oo mar labaad diiday bixinta kharashka derbiga Mareykanku ka dhisayo xadka

54

Mexico(INO)- Madaxweynaha dalka Mexiso Enrique Pena Nieto ayaa mar labaad gaashaanka u daruuray in dalkiisu uu bixin doono kharaska lagu dhisayo darbiga ee uu ku dhawaaqay dhismihiisa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa shalay oo Arbaca ah waxa uu amray in la bilaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico.

” – Aad ayaan uga xumahay go`aanka ay dowladda Mareykanku qaadatay ee ah in ay xadka ka dhisto darbi na kala qeybinaya, halkii la isku keen soo dhoweyn lahaa”, ayuu yiri madaxweynaha Mexico.

Waxa uu intaasi raaciyay in Mareykanku isku tashto mar hadduu go`aansaday in uu darbi dhisto.

You might also like More from author

Comments are closed.