Dagaal ka socda Xamar Weyne iyo Shabaab rag loo maleynayo oo la wareegay Maxkamada gobolka Banaadir

38

GobalkaBanaadir

Warar goor dhaw soo gaaray Warqabadka Markacadey.net ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in ciidamo hubeysan ay weerar ku qaadeen Xarunta Maxkamada gobolka Banaadir ee Xamar Weyne kutaalla taasi oo la sheegay in dagaal culus uu ka socdo.

Dagaalyahano loo maleynayo Al shabaab inay yihiin ayaa waxay sheegayan in abaare 12:25 daqiiqo duhurnimadii maanta lagu soo waramayaa inay weerar ku qaaden Xarunta Maxkamada gobolka Banaadir.

Warka waxa uu sheegayaan in qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhaceen markii hore gudaha xarunta iyadoona khasaaro kala duwan uu ka dhashay qaraxyadaasi.

Wixii ka dambeeyey qaraxyadaasi waxa lagu soo waramyaaa in dagaal  fool ka fool ah uu ka bilowday halkaasi walina la maqlayo rasaas xoogan iyadoo dagaalyahanada ay kusugan yihiin xarunta maxkamada iyaguna ay la wareegeen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.