Madaxweynaha Somaliya oo kusoo laabtay Muqdisho iyo Saxaafada oo safarkoodii looga warbixiyey

61

pr9

Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa goor dhaweyd soo gaaray magaalada Muqdisho kadib safar labo maalmood ah uu Turkiga ku joogay.

Xasan Shiikh waxaa wafdigiisa ku wehlinayey Wasiirka wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kiriin Xuseen Guuleed waxaana si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka Adan Cadde airport mas’uuliyiin katirsan labada gole ee dawlada.

Wasiirka Arimaha gudaha C/kiriin Xuseen Guuleed oo Wafdiga Madaxweynaha qeyb ka ahaa ayaa nasasho yar kadib gudaha garoonka saxaafada kula hadlay islamarkaana ka warbixiyey kulan labo maalmood uga socday Turkiga Somaliya iyo Somaliland isagoo sheegay in waxyaabo muhiim ah la isku soo afgartay.

“Runtii qodobada kasoo baxay shirkii ka dhacay Ankara dalka Turkiga ee Somaliya iyo Maamulka Somaliland waxa uu ahaa mid wanaagsan iyadoo la isku soo afgartay wadahadalada inay sii socdaan oo arimo badana la isk kaashado ayuu saxaafada usheegay Wasiirka arimaha gudaha Guuleed”.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay kusugnaa Dalka Turkiga isagoo kulamo lagu wada hadalsiinayey isaga iyo Siilaanyo oo ah madaxweynaha Maamulka Somaliland islamarkaana ay garwadeen ka ahayd Dawlada Turkiga oo xoogaa is faham uu kusoo idlaaday.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.