QODOBO:- Silaanyo oo sheegay inuu Gaashaanka ku dhuftay Saddax Qodob uu ku sheegay in Wafdiga Dowladda Ahmiyad u ahayd

58

ysde

Madaxwaynaha  Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo iminka ku sugan Magaaladda Ankora ee Caasimadda Dalka Turkiga ayaa sheegay inuu ku guuleystay in Gaashaanka uu ku dhuftay 3 qodob oo uu ku sheegay inay ahayd shirqool ay wateen Waftiga ka socday Xukuumadda Somalia.

Axmed Siilaanyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa waxa uu saddexdaas qodob ku sheegay inay kala yihiin:-

1. in somaliland gabi ahaanteedba ay ka noqoto gooni isutaaga ay qaadatay 1991kii

2. in dawladda somaliland ay cunaqabataynta ka qaado madaxda somaliya islamrkaana madaxda somaliya ay u sodaali karaan dalka Somaliland

3. in dawladda somaliland ay ogalaato in shirarka wadahadalka lagu qabto gudaha somaliland iyo somaliya taas oo u saamaxaysa madaxda somaliya inay yimaadaan marka la wada hadlaayo gudaha Somaliland.

Siilaanyo waxa uu sheegay in Wafdiga Xukuumadda Somalia ay doonayeen in Saddaxdaasi Qodob ay hoos ugu dhigaan meeqaamka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu ka war helay in Ajandaha Xukuumadda ay kamid ahayd in Saddaxdaasi qodob balse ay ka war heleen isla markaana Gaashaanka ku dhufteen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.