Madaxweyne Xassan Sheikh oo ka hadlay Shirka maanta ka dhacay Turkiga

39
   2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia oo ku sugnaa Magaaladda Ankaro ee Caasimadda Dalka Talyaniga oo u waramayay Idaacadda Laanta Afka Somalia ee VOA, ayaa sheegay in kulanka u dhexeeyay isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland ay ka wada hadleen sidii loo gaari lahaa Xal guud.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Ahmiyada aysan ahayn in laga wada hadlo Siyaasadda balse ay Kulankaasi diirada ku saareen sidii loo badbaadin lahaa Bulshada ku nool Geeska afrika gaar ahaan Somalia, waxa uuna sheegay inay ka wada hadleen sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayen Ammaanka iyo Xasiloonida isagoona si gaar ah u sheegay inay jiraan hal cadow oo ay labaduba wadaageen.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale, sheegay in Siyaasadda ay leedahay Xasaasiyad, isla markaana ay qodobkaasi dib u dhigteen isagoona Carabka ku dhuftay inay mudnaanta siiyeen sidii dadka ku nool Koonfurta iyo Waqooyiga ay u heli lahaayeen Waxbarasho, Caafimaad iyo Ammaan.

Mar  wax laga weydiiyay Madaxweynaha in hubka usoo daga Dowladda Somalia ay wax ka siinayaan Maamulka Somaliland ayuu waxa uu sheegay Madaxweyne Xassan Sheikh in wax waliba oo loogu deeqay Somalia ay ku imaadeen Magaca Dowladda Somalia uu madaxda ka yahay isla markaana ay si siman ugu qeybin doonaan gabi ahaan Maamulada hoostaga Dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ku nuuxnuuxsaday in Dowladiisu ay had iyo teer ahmiyada siin doonto Danaha Bulshada Siyaasadda ka hor.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.