Dhageyso: Puntland oo ka hortimid hadal kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh

8

Garowe(INO)- Wasiirka Wasaarada Haweenka maamulka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Gaalkacyo ayaa kasoo horjeesatay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kasoo ahaa in Magaalada Muqdisho loo soo qaado gabadhii lagu kufsaday degmada Goldob ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegtay in maamulka Puntland ay ku filan yihiin daryeelka iyo sidoo kale sidii gabadhaasi ay ku heli laheyd Cadaalad ku filan, laakin aysan dhicin doonin in Xamar la geeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayay u sheegtay in looga baahan yahay in uu daryeel iyo sidoo kale Cadaalad u sameeyo gabadhaha ku nool Muqdisho, laakiin Puntland ay gabadhaasi u taallo Caafimaadkeeda iyo sidoo kale in ay hesho cadaalad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan warqad kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in gabadhaasi ay dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto in ay hesho Cadaalad.

Halkan Ka Dhageyso

You might also like More from author

Comments are closed.