Shirkadda Samsung oo ciladdii taleefanka “Galaxy Note 7” ku sheegtay dhanka battariga

33

NY(INO)- Shirkadda Samsung oo baaritaan ku samaysay sababta uu la kululaanayay ama la gubanayay taleefoonkeeda Galaxy Note 7 ayaa ogaatay in mushkiladdaasi ay ka imanaysay cilad gashay baytariga.

Bishii October ee sanadkii hore 2016 ayay shirkaddu joojisay iibinta taleefankeedan ka dib markii ciladdaas lagu arkay.

Isniintan ay shirkaddu sheegtay in ciladdaasi ay ku egtahay baytariga oo kali ah isla markaasna aysan la xiriirin qaybaha kale ee taleefoonka.

Waxaa loo malaynayaa in shirkaddu ay khasaartay 5.3 bilyan oo doolaar ka dib markii ay joojisay iibinta taleefakaas isla markaasna ay soo celisay kuwii ay iibisay, ka dib markii ay ka cawdeen macaamiishu, arrintaas ayaana dhaawacday sumcaddii shirkaddaas oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

Shirkadda ayaa ciladda Galaxy Note 7 ku faahfaahisay war qoraal ah oo ay soo saartay, waxayna sheegtay in qaabayta taleefanka iyo labo warshadood oo taleefanadda lagu sameeyo ay kaalin ku lahaayeen ciladda baytariga gashay.

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.