Saxaafadda mareykanka oo si caro leh uga jawaabtay eeda Trump

44

NY(INO)- Warbaahinta dalka mareykanka ayaa si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray madaxweynaha cusub Donald trump.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta ku eedeeyay inaysan daacad ahayn ka dib markii ay ka warrameen in dad badan aysan ka qeybgalin munaasabaddii lagu dhaariyay.

Trump ayaa sheegay in 1.5 milyan oo qof ay ka qeybgaleen munaasabadda, balse cadeyn muusan bixin.

Balse shirkadaha warbaahinta ayaaeeda Trump ku tilmaamay arrin laga caroodo oo aan wanaagsaneyn.

Wargeyska The New York Times waxay sheegeen in hadalka Trump uu yahay sheegasho been ah oo aan waxba ka jirin.

Wargeyska The Washington Post ayaa eedaha ku sheegay inuu dhahay qof aanan si qoto dheer u fikirin oo iska dhaha waxyaabo laga xanaaqo.

Donald Trump ayaa yiri “Waxay u muuqatay in qiyaastii 1.5 milyan oo qof ay joogeen goobta”, markii uu hadalka ka jeedinaayay Capitol Hill, Jimcihii.

You might also like More from author

Comments are closed.