Dhageyso: Dr. Nuur “Ma jirto cid ku takri fali karta Hantida Qaranka”

6

Muqdisho(INO)- Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin Cid Hantiada kaga faa’iideysan karta xiliga dalka uu ku jiro kala guurka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xafiiskiisa uu ka war hayo Hantida Qaranka iyo hadii ay jiraan Mas’uuliyiin si qaldan u isticmaalay Hantida Qaranka.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan dhageysan dacaayadaha laga faafinayo masuuliyiinta Dowladda isla markaana aysan jiri doonin cid ku takri fali karta Hantida Dowladda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Xafiiskiisa.

Siyaasiyiinta Xil doonka ah ayaa horay Warbaahinta ka sheegay in ay jiraan Mas’uuliyiin Dowladeed oo ku Takri falay islamarkaana si qaldan u isticmaalay sida ay sheegeen Siyaasiyiintaasi Hantida Qaranka.

You might also like More from author

Comments are closed.