Dhageyso: C/raxmaan C/shakuur oo si xun u fedeexeeyey Madaxda DF, Hal Arrina ku amaanay Al-Shabaab

31

Muqdisho(INO)- Musharrax Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka qeylla dhaamiyay musuq maasuqa iyo boobka ka dhax jira Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Musharraxa ayaa sheegayin Aduunka uu Musuq ka jiro balse kan soomaaliya ka jira yuu ku tilmamay in aanu aheyn Musuq ee uu yahay Boob.

Waxaa uu soo hadal qaaday shirkada Basas u sameysatay Dadka Ka ka duulaya Ama ka so degaya Garoonka Diyaaradaha oo lacago xad dhaaf ah ka qaada taas oo dadka qaarkii aysan Awoodin.

isagoo sheegay in shirkadaas ay wataan Madaxa ka tirsan Dowlada laakiin uu ka gaabsaday In uu magacyadooda sheego isagoona tilmaamay in xad dhaaf ay tahay Musuq Maasuqaasi.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dadka hadii aan laga deynin cadaadiska Musuq Maasuqa iyo laaluush qaadashada ay keeni karto in dadku sameeyaan Kacdoon Shacabi oo aad u xoog badan.

Sidoo kale Garsoorka dalka ayuu dhaliiilay C/raxmaan C/shakuur oo uu ku sheegay in ay wax u xukumaan Qof kii lacag hesa dadkuna Reer Muqdisho ay hadda u xukun tagaan Maxkamadaha Al-Shabaab weliba iyagoo ku qanacsan.

Ugu dambeyntii, Xildhibaanada Dolwada ayuu sheegay in aysan arrintaa oo dhan aysan waxba ka ogeyn oo iyagu ay yihiin Mudanayaal balse ay arintaa jirto Hadii aan waxba laga qabana ay arrintu sidaa iska bedali doonto.

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.