Dhageyso: 5 Maalmood Oo Loo Qabtey Wasaaradaha Gal-Mudug State

16

Muqdisho(INO)- Wasaaradaha Maamulka Galmudug ayaa loo qabtay mudo 5 maalin ah in ay ku soo bandhigaan waxqabadkooda.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo la hadlay warbahinta ayaa waxa uu sheegay in la isku raacay wasaarad kasta oo ka tirsan Galmudug in mudo 5 maalin ah ay ku soo bandhigto waxqabadkeeda.

Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Cadaado in ay tahay mid sii jordheysa, hase yeeshee Maamulka Galmudug uu ku dadaalayo sidii loo dhameyn lahaa.

Arrintan ayaa timid kadib markii shalay Magaalada oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ay kulankooda caadiga ku yeesheen Golaha Wasiirada, go’aankana lagu gaaray.

You might also like More from author

Comments are closed.