Daawo Sawirada Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

65

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto ayaa maanta loo caleema saaray xilka madaxtinimada dalka Kenya, kadib markii ay ku guuleysteen doorashadii ka dhacday dalkaas.

Uhuru Kenyatta ayaa noqday madaxweynihii afaraad ee soo mara kenya, waana madaxweynihii ugu da’yaraa, waxaana uu maanta xilka madaxtinimada uu kala wareegay Madaxweynihii hore Mwai Kibaki.

Xaflada caleema saarka oo ay ka qeyb galeen in ka badan 10-madaxweyne Afrikaan ah ayaa ka dhacday Garoonka Kazarani, halkaasoo kumanaan ruux oo reer kenyan ah oo lulayay calanka sitayna calanka Jamhuuriyada kenya ay ka soo qeyb galeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinti ka qeyb galay munaasabada, isagoo ahaa Madaxdii u horeysay ee goobta tagay, waxaana markii magaciisa lagu dhawaaqay uu sacab iyo soo dhoweyn ka helay kumanaanka reer Kenyanka ee ka qeyb galayay munaasabada.

Madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay dadka reer Kenya inay midoobaan, isagoo balan qaaday inuu ka shaqeynayo danaha dadka iyo dalka.

Hogaamiyeyaasha Afrikaanka ee ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma, Madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete, Madaxweynaha Nigeria Jonathan Goodluck, Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir, Ra’iisul Wasaaraha Itoobia Hailamariam Desalagn iyo madax kale.

Ra’iisul Wasaarihii hore Kenya Raila Odinga ayaan ka soo qeyb gelin munaasabada, isagoo u duulay dalka Koofur Afrika, inkastoo uu horay u aqbalay natiijada maxkamada sare ee dalka Kenya ku ansixisay doorashada, hadana waxaa uu qaadacay ka qeyb galka xaflada.

 

caleema saarka kenya (1)

caleema saarka kenya (2)

caleema saarka kenya (3)

caleema saarka kenya (4)

caleema saarka kenya (5)

caleema saarka kenya (6)

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.