Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Tagayna Xarunta Baarlamaanka Dalkaasi (Sawirro)

47

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaalshaqo ku joogaan dalka Norway ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka tagay xarunta Baarlamaanka Dalkaasi.

Kulankan dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Arrimaha DIbadda ayaa ka dhacay xarunta Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway halkaasi oo markii ay tageen Wafdiga Gudoomiyaha ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta Wasaaradaasi oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Espen Barth Eide.

Soo dhaweyn kadib kulan dheer oo saacado qaatay ayey wada yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaana kulankaasi looga wada hadlay isbedellada hormarineed ee dalka ka jira iyo sida ay Dowladda Norway usii wadi laheyd taageerrada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Espen Barth Eide oo kulanka kadib ay wadajir saxaafadda ula hadleen isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Norway ay aad ugu faraxsantahay islamarkaana ay taageerayso isbedelka iminka ka dhacay Soomaaliya waxaana uu Wasiirku ballan qaaday iney sii wadi doonaan taageerrada ay siiyaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horeyn dowladda Norway uga mahad celiyey soo dhaweynta heerka sare ah ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayey iyo sida ay u taageereen shacbiga Soomaaliyeed mudadii uu dalku ka jiray bur burka iyo sida ay hada u garab taaganyihiin Dowladda Soomaaliya waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanku ku tilmaamay kulankii maanta inuu ahaa mid muhiim ah.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway ayaa xalay casho sharaf u sameeyey wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay maanta tageen xarunta Baarlamaanka dalkaasi Norway,sidoo kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxey caawa la kulmi doonaan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Norway ku dhaqan.

photo

DSCN5000

DSCN5065

DSCN5066

DSCN5076

DSCN5106

DSCN5108

DSCN5113

photo (2)

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.