Afhayeenka Ahlusunna oo ka warbixiyay Shirka Jubbaland Kismaayo

31

JubboLandState

Afhayeenka  Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Konfureed Sh Maxamed  Daa,uud Codweyne ayaa waxa u manta ka warbixiyay halka u marayo shirka Jubbaland  waxana uu Fariin u diray Aqoyahanada iyo Qurbajoogta Gobolka Gedo.

Sh Maxamed Daa,uud  Codweyne ayaa waxaa uu  uu sheegay in Howlihii Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ay meel wanagsan  marayaan  Wajgi kowaad na uu soo dhamaday Wajigii labadna ay hada ku guda jiraan.

Afhayeenka ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in hada ay ku Mashquulsan yihiin kala hufida  eragad Shirka ka qayb qadanaysa ayna meel wanagsan u marayso.

Dhanka kale  Afhayeen Codweyne  ayaa waxaa uu manta Fariin u diray  Aqonyahanada iyo Qurbajoogta  Gobolka Gedo  waxaa una ugu baqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo garaan Magaalada Kismaayo si ay uga qayb qataan Dhismaha Dowlada Goboleedka Jubbaland.

“Qurbajoogta Gobolada Kale ee Jubbaland  way soo gaaren Magaalada Kismaayo waxaana marlabad Qurbajoogta Gobolka Gedo  ku wargalinaya in ay soo gareen Kismaayo si ay  uga qayb qatan dhismaha Jubbaland Islamarkana wax uga qaybsadan  Maamulka dhawaan la filayo ayu yiri Afhayeen Codweyne.

Afhayeen Codweyne  ayaa ugu danbeyn  waxaa uu ku wargaliyay Qurbajoogta Gobolka Gedo ee ku soo wajahan Kismaayo in ay Marin ahaan u Isticmaalan Magaalada Nairobi halkasna ay uga soo gudban Kismaayo.

Casuumadan ka timid Maamulka  Ahlusunnada Konfureed ayaa waxaay imanaysa Xili Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ay Magaalada Muqdisho ku xanibtay Aqonyahano ka soo jeeda Gobolka Gedo oo ku wajahnaa Magaaalada Kismaayo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.